Muqdisho (Banaadir24) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugu dhaliilay hab-dhaqanka hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in musuqmaasuqa, eexda, ku-takri-falka awoodda iyo caddaalad-darradu ay dhaawaceen kalsoonidii shacabka ku qabeen hay’adaha dowladda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay wajahayaan nidaam ay shaqooyinka, xilalka, qandaraasyada iyo adeegyada dowladda ku xiran yihiin galaangal, xiriirro gaar ah iyo cidda awoodda haysa, halkii lagu salayn lahaa karti, aqoon iyo dadaal.
Waxa uu xusay in dhibaatadu aysan ku koobnayn qofka xuquuqdiisa la duudsiyo, balse ay dhaawacayso dareenka ah in dalka la wada leeyahay, isla markaana muwaadiniintu aysan si siman uga faa’iidaysan dawladnimada.
“Dhibka difaaca adigu qaado, dheefta dawladnimaduna aniga ii daa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo dhaliilay in shacabka laga filayo inay difaacaan nidaam uu sheegay in faa’iidadiisa ay helaan dad gaar ah iyo dadka awoodda ku dhow.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada ay yihiin waajibaad qaran, balse ay muhiim tahay in la helo dowlad sharciga, xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta si siman ugu dhaqanta.
Waxa uu ku eedeeyay hoggaanka dowladda in cabsi laga abuuro khilaafaadka qabiilka iyo cadowga dibadda si looga leexiyo shacabka su’aalaha la xiriira maamul-wanaagga, isla xisaabtanka iyo caddaaladda.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in difaaca qaranka uu ku dhisnaado hoggaan daacad ah, hufnaan iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo ku dooday in dowlad ay dadku u siman yihiin ay tahay mid shacabka si wadajir ah u difaaci karaan.
