Xaaladda amni ee degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo magaalada iyo duleedkeeda laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo loo aaneynayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Beledxaawo, iyadoo sawirro laga soo qaaday deegaanka ay muujinayaan ciidamo iyo gaadiid ciidan oo halkaasi lagu daabulayo.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo kasoo baxay Doolow iyo Luuq ay u soo dhaqaaqeen dhanka Beledxaawo.

Guddoomiyaha Beledxaawo ayaa horay uga digay xaaladda cusub, isaga oo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ciidamadu ay sababi karaan in mar kale uu dagaal ka qarxo degmada, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara iska hor-imaad.

Beledxaawo ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, iyadoo magaalada iyo gobolka Gedo ay hore uga dhaceen iska hor-imaadyo u dhexeeyay dhinacyada.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana si weyn loo hadal hayaa suuragalnimada iska hor-imaad cusub haddii ciidamada labada dhinac ay isku soo dhowaadaan.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo DFS kasoo baxay oo si cad u xaqiijinaya ujeeddada ciidamadan iyo sababta loo daabulayo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version