Baydhabo waxaa laga soo sheegayaa xaalad amni oo kacsan, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee taageersan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Gakbeed Sheekh Aadan Madoobe ay gudaha magaalada ka sameysteen fariisimo difaac, xilli ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan suuragalnimada dagaal.
Ilo amni oo gudaha magaalada ku sugan ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay qaateen goobo muhiim ah, waxaana askarta qaarkood lagu arkay saqafyada dhismayaasha dhaadheer, taas oo qeyb ka ah diyaar-garowga militari ee ka socda magaalada.
Xaaladda ayaa sidoo kale saameysay shacabka, iyadoo qaar kamid ah dadka deegaanka lagu arkay iyagoo ka baxaya guryahooda, una sii jeeda masaajiddo iyo dhismayaal leh darbiyo adag iyo saqafyo ilaalin kara, sababo la xiriira cabsi laga qabo inuu dagaal ka qarxo magaalada.
Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa imaanaya xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya dhinacyada siyaasadda iyo kuwa amniga ee Koonfur Galbeed.
Saraakiil amni oo labada dhinac ah ayaa xaqiijiyay dhaq-dhaqaaqyada militari ee Baydhabo, hase yeeshee weli ma cadda in weerarka uu yahay mid soo dhow ama in dagaal uu si rasmi ah u bilaaban doono.

