Ciidamo ka tirsan kuwa daacadda u ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa shalay fariisimo difaac ka sameystay gudaha xarunta Caruurta agoonta Al-Firdows Orphanage and Children’s Education Centre ee magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa la sheegay inay qaybo ka mid ah xarunta u adeegsadeen goob difaac, xilli magaalada ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo amni oo sii kordheysa.

Maamulka xarunta Al-Firdows ayaa baaq degdeg ah u diray dhinacyada ay khuseyso, iyagoo ka dalbaday in la ilaaliyo badqabka carruurta iyo in aan la carqaladeyn waxbarashadooda.

Xaruntan ayaa bixisa waxbarasho, daryeel iyo adeegyo kale oo loogu talagalay carruurta agoonta ah iyo kuwa nugul.

Joogitaanka ciidamada ee xarunta ayaa walaac ka dhex abuuray dadka deegaanka iyo dadka u dooda xuquuqda carruurta, kuwaas oo ka cabsi qaba in carruurta ay khatar wajahaan haddii uu gudaha ama agagaarka xarunta ka dhaco dagaal ama iska horimaad hubeysan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada laga qabo saameynta ay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Baydhabo ku yeelanayaan xarumaha rayidka, gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin ama wax ku bartaan carruurta iyo dadka nugul.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version