Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay warar baraha bulshada si weyn loogu faafinayay oo la xiriira in la xirayo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, isla markaana la hakad gelinayo isu socodka shacabka.

Taliska ayaa caddeeyay in aysan jirin wax amar ah oo lagu xirayo waddooyinka waaweyn ama lagu joojinayo isku socodka guud ee magaalada, isagoo sheegay in xaaladda isu socodka Muqdisho ay tahay mid caadi ah.

Booliiska ayaa shacabka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan wararka aan la xaqiijin ee lagu faafinayo baraha bulshada, isla markaana ay xogta ka raadsadaan hay’adaha amniga iyo ilo rasmi ah.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo ku yimaada xaaladda amniga ama isu socodka magaalada, bulshada lagu wargelin doono xog rasmi ah oo la xaqiijiyay.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version