Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii nabadeed ee lagu waday inuu dhaco 16-ka May 2026.

Madashu waxay sheegtay in go’aanka dib u dhigista loo qaatay si fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay dhex dhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu diiradda saarayaan arrimo ay kamid yihiin:

  • Xabsiga sharci darrada ah
  • Doorashooyinka
  • Maareynta marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale caddeysay in bannaanbaxa uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayay:

  • Joojinta barakicinta
  • Doorashooyin hufan
  • Ilaalinta dastuurka
  • Amniga iyo xuquuqda muwaadiniinta

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in taariikh cusub oo bannaanbaxa dib loo qabanayo la shaacin doono marka horumar laga gaaro wada-hadallada socda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version