Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib wada-hadal ula yeelato dhinacyada mucaaradka si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka la filayo 2027-ka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdi Fataax Qaasim, ayaa sheegay in dowladda aysan wax diidmo ah ka qabin dib ugu laabashada miiska wada-hadalka, isaga oo xusay in kulamadii hore ay ka dhasheen heshiisyo ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha la isku hayay.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in qodobo kale ay weli u baahan yihiin wada-xaajood dheeraad ah si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Dowladdu waxay sheegtay inay doorbidayso in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, iyadoo ka digtay tallaabooyinka keeni kara iska horimaad hubeysan iyo xasillooni-darro siyaasadeed.

Khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa salka ku haya hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo sida loo xaqiijin karo heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Ilaa hadda, lama shaacin taariikh rasmi ah oo ku saabsan kulan cusub oo dhex mara dowladda iyo mucaaradka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version