Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    12 October 2026

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Uganda oo Midowga Yurub usoo bandhigtay hal arrin oo Soomaaliya ay u baahantahay
    LATEST NEWS

    Uganda oo Midowga Yurub usoo bandhigtay hal arrin oo Soomaaliya ay u baahantahay

    Banaadir24By Banaadir241 October 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo dalalka ciidamadooda ku biiriya howlgalka ay raadinayaan maalgelin joogto ah oo la isku halleyn karo.

    Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca ee magaalada Kampala kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay ku-xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Uganda, Eole Sury.

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlgalka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo fidiyo, iyadoo Uganda ay sheegtay in Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee taageera howlgalka Soomaaliya.

    Midowga Yurub ayaa bishii Abriil ansixiyay €75 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay AUSSOM, taas oo inta badan lagu daboolayo gunnooyinka ciidamada, qalabka aan halista ahayn iyo adeegyada kale ee howlgalka.

    EU-da ayaa sheegtay in taageerada ay si joogto ah u siisay howlgalladii Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007 ay gaartay ku dhowaad €2.8 bilyan.

    Arrinta maalgelinta ayaa hadda kamid noqotay qodobada ugu waaweyn ee laga doodayo mustaqbalka AUSSOM, iyadoo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka ay doonayaan hannaan maalgelin oo la saadaalin karo xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur amni.

    Kulan ay Uganda martigelisay bishii Luulyo ayay dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ku isla garteen in la sameeyo dadaallo diblomaasiyadeed iyo shir deeq-bixiyeyaal ah oo lagu raadinayo maalgelin joogto ah.

    Wasiir Kiwanuka ayaa sheegay in Ciidamada Uganda (UPDF) ay tahay in si buuxda looga qeybgeliyo wadahadallada ku saabsan mustaqbalka howlgalka iyo amniga gobolka.

    Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo geeya Soomaaliya sanadkii 2007, waxayna qeyb ka ahayd dhammaan wejiyadii kala duwanaa ee howlgalka Midowga Afrika.

    AUSSOM ayaa si rasmi ah u bilaabatay Janaayo 2025, iyadoo beddeshay ATMIS, waxaana waajibaadka hadda loo oggolaaday uu soconayaa illaa 31-ka December 2026.

    Kulanka Kampala kama soo bixin heshiis cusub oo maalgelin ah ama go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan mustaqbalka AUSSOM.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleTurkiga iyo Soomaaliya: Hub, Ciidan iyo Khilaafka Xasan Sheekh oo Isku Qasan
    Next Article Mustafe Muxumed Cumar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    12 October 2026

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026

    Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…

    12 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    By Banaadir2412 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026

    Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…

    12 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka
    • Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus
    • Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…
    • Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…
    • Sheekh Shariif oo ka jawaabay eedeymaha NISA

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d