Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku baaqay in dadka gobolka Minnesota ay “iska caabiyaan” muhaajiriinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladdiisa federaalku ay diyaar u tahay inay farageliso haddii gargaar loo baahdo.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota ay la wareegayaan muhaajiriinta Soomaaliyeed, isaga oo ku eedeeyay inay gobolka ka abuureen rabshado, dilal iyo qalalaase.
“Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan. Waa la dhacay, waxaana dayacay dowladdooda,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa, isaga oo dhaleeceyn u jeediyay Guddoomiyaha gobolka Tim Walz.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka gobolka iyo duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, inay si degdeg ah u codsadaan taageerada dowladda federaalka, isaga oo sheegay in Washington ay diyaar u tahay inay tallaabo qaaddo.
Hadallada Trump ayaa kusoo beegmaya xilli bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ay wajahaysa cadaadis siyaasadeed iyo hadallo si gaar ah u bartilmaameedsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed, iyadoo doodda la xiriirta dambiyada iyo musuqmaasuqa hantida dadweynaha ay weli ka taagan tahay gobolka.
Dhanka kale, hadallada madaxweynaha ayaa dhaliyay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karaan Soomaalida ku nool Minnesota, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah iyo dad si sharci ah dalka ugu nool.
Trump ayaa marar badan dhaleeceeyay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, isaga oo arrimaha la xiriira kiisaska musuqmaasuqa ee Minnesota u adeegsaday inuu ku taageero mowqifkiisa adag ee socdaalka.
