Taliye Shub oo gaaray degmada Doolow, Abaabul Ciidan uu halkaasi ka billaabay

Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa lagu soo warramayaa in uu gaaray Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, kaas oo ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Mahad “Shub” uu u socdo dhanka deegaannada Boholgaras, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. Socdaalkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo lagu abaabulayo ciidamo cusub oo halkaas laga wado.
Sida wararku tilmaamayaan, safarka Mahad Cabdiraxmaan waxaa ku wehlinaya xubno ka mid ahaa wasiiradii hore ee xukuumaddii Madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo iyaguna door ku leh qorshahan abaabulka ah.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Taliye Shub uu degmada Doolow ka bilaabi doono kulamo iyo abaabul ciidan, isagoo la sheegay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka si adag uga soo horjeeda siyaasadaha iyo tallaabooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.









