DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria

Ugu yaraan 17 qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday badda u dhaxeysa dalalka Spain iyo Algeria, kadib markii ay la qalibantay doon ay saarnaayeen, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dhalinyaradan oo dhammaantood geeriyootay ayaa la sheegay inay isugu jireen 5 gabdhood iyo 12 rag ah, waxaana dhimashadooda la xaqiijiyay saacadihii u dambeeyay. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in doonida ay saarnaayeen ay cilad farsamo ama xaalado badeed darteed ugu dambeyn ku gaddoontay biyaha u dhexeeya labada dal.

Dhacdadan ayaa qayb ka ah masiibooyinka soo noqnoqda ee ka dhaca badda Mediterranean-ka, halkaas oo tahriibayaal badan oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Soomaali, ay naftooda ku waayaan iyagoo doonaya inay gaaraan Yurub. Warar hore oo la daabacay ayaa muujinaya in doonyo tahriibayaal ah ay marar badan ku qalibmaan marin-biyoodkan khatarta badan, sababo la xiriira cillado farsamo iyo doonyo aan u qalmin safarro dheer .

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdadan, isla markaana ay muddooyinkii dambe wadday dadaallo lagu yareynayo tahriibka, gaar ahaan safarrada halista ah ee u dhexeeya Algeria iyo Spain.

Sidoo kale, safaaradda ayaa heshay sawirrada iyo xogta qaar ka mid ah dadka geeriyooday, kuwaas oo loo gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah, oo ay ku jiraan magacyada dhibbanayaasha, la shaaciyo saacadaha ama maalmaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *