Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si cad u beeniyay eedeymo uu sheegay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay ka baahisay, kuwaas oo la xiriiray arrimo amni iyo xiriirro la sheegay in uu la leeyahay ciidanka qaranka.

Qoraal uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka Oktoobar 2026 soo saaray xafiiska madaxweynihii hore, ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadda Shariif Sheekh Axmed, laguna marin-habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in madaxweynihii hore uu mar walba u taagnaa ilaalinta amniga qaranka, madaxbannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga. Waxa uu sidoo kale sheegay in mabda’iisu yahay in la ilaaliyo midnimada dalka, iyadoo aan la adeegsan mowqifyada siyaasadeed si loo abuuro xiisado amni.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu muujiyay walaac laga qabo xaaladda amni ee dalka, iyadoo digniin laga bixiyay in arrimaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed ama lagu abuuro cabsi iyo kala shaki bulshada dhexdeeda.

Xafiiska madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta kalsoonida shacabka, isla markaana ay ilaaliyaan madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo sharciga.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa ku baaqay in la dhowro xorriyadda muwaadiniinta iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, iyadoo aan la adeegsan awoodda dowladda si loogu cadaadiyo cid aragti siyaasadeed oo ka duwan tan dowladda qabta.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version