DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacaabato Israa’iil oo Warqadaha laga guddoomay

Madaxweynaha Israa’iil, Isaaq Herzog, ayaa shaaciyey in uu si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo uga guddoomay safiirkii u horreeyey ee Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, tallaabadaasi oo lagu tilmaamay mid xoojinaysa xiriirka u dhexeeya labada dhinac.

Qoraal uu Madaxweynaha Israa’iil ku baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada, ayuu ku sheegay in kulankaasi uu ahaa mid muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dhinac, isaga oo xusay in Somaliland iyo Israa’iil ay wadaagaan dano iyo iskaashi la xiriira arrimo badan oo saamayn ku leh Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.

Herzog ayaa tilmaamay in Israa’iil ay danaynayso in ay Somaliland kala shaqeyso dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, teknoolajiyadda, beeraha casriga ah, amniga, iyo arrimaha la xiriirka xasilloonida gobolka.

“Waxaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somaliland. Labadeenna dhinac waxa naga dhexeeya iskaashi iyo dan guud oo la xiriiirka horumarka iyo nabadda gobolka,” ayuu lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Israa’iil.

Safiirka cusub ee Somaliland ayaa isaguna muujiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay doonayso in ay la yeelato Israa’iil xiriir ku dhisan iskaashi dhaqaale, amni iyo maalgashi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *