Kampala (Banaadir24) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay mudnaanta siiso midnimada qaranka, wadahadalka siyaasadeed iyo tartanka nabadeed, xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.
Baaqan ayuu Museveni jeediyay Isniintii, 23-ka November 2026, kaddib kulan uu Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Museveni ayaa sheegay in waayo-aragnimada Uganda ay muujisay muhiimadda ay leedahay midnimada bulshada, wadahadalka iyo hannaan dimuqraadi ah oo saldhig u noqda dhismaha dowladnimo waarta.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, dib u soo celinta nabadda iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd xasillooni waarta.
Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay weli ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Uganda oo qorsheyneysa inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya
Kulanka labada hoggaamiye ayaa imanaya xilli Uganda ay dib u eegis ku sameyneyso joogitaankeeda militari ee Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ciidamo ka joogeen dalka.
Ciidamada Uganda ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii, iyagoo qayb ka noqday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo markii dambe loo beddelay ATMIS, haatanna loo yaqaan AUSSOM.
Ciidanka Uganda (UPDF) ayaa 2-dii November 2026 shaaciyay in la bilaabay dib u celinta qaar ka mid ah ciidamadii ku joogay Soomaaliya heshiis laba geesood ah oo ay la galeen dowladda federaalka.
Sidoo kale, Uganda waxay qorsheyneysaa inay ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AUSSOM kala baxdo Soomaaliya dhammaadka sanadka 2027-ka.
Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda, ilaalinta hay’adaha federaalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mustaqbalka amniga Soomaaliya oo su’aalo laga keenay
Qorshaha bixitaanka ciidamada Uganda ayaa dib u soo celinaya su’aalaha la xiriira awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee la wareegista mas’uuliyadda guud ee amniga, gaar ahaan xilli dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu weli socdo.
Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha iyo tayeynta ciidamada qaranka, si ay awood ugu yeeshaan sugidda amniga dalka iyo difaaca xarumaha muhiimka ah marka ciidamada shisheeye ay baxaan.
Dhanka kale, baaqa Museveni ee ku aaddan midnimada iyo wadahadalka siyaasadeed ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo hannaan wada-hadal iyo is-afgarad.
Ilaa hadda, ma jiro heshiis cusub oo ku saabsan jadwalka bixitaanka ciidamada Uganda oo si rasmi ah looga shaaciyay kulanka labada madaxweyne.
