Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    25 November 2026

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Muran siyaasadeed oo ka taagan heshiisyada Turkiga: Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay si cad uga hadlay
    LATEST NEWS

    Muran siyaasadeed oo ka taagan heshiisyada Turkiga: Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay si cad uga hadlay

    Banaadir24By Banaadir2422 November 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay heshiisyada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, isagoo sheegay in heshiisyadaasi aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyey.

    Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu Sabtidii ka qaybgalay magaalada Muqdisho, taas oo lagu dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya, isaga oo ka hadlayey doodaha iyo dhaliilaha ka dhashay heshiisyada Ankara iyo Muqdisho.

    Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii heshiisyadaasi la horgeeyey Baarlamaanka ay jireen mucaaradad xooggan iyo hadallo uu ku tilmaamay fasiraado marin-habaabin ah oo aan ku dhisnayn xaqiiqooyin.

    Wuxuu xusay in heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ay taabanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo xiriirka siyaasadeed, isla markaana ay xildhibaannadu ku ansixiyeen kalsooni iyo rabitaan.

    Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qiimeeyaan natiijada heshiisyadaasi tan iyo markii la ansixiyey, isagoo ku adkeystay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay dalka u horseedeen.

    “Ma garanayo inaad arki kartaan faa’iidooyinka ay heshiisyadani Soomaaliya u keeneen, balse waxaad arki kartaan inaysan wax dhibaato ah u geysan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

    Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay weli jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan heshiisyada Soomaaliya la gashay Turkiga, gaar ahaan kuwa la xiriira difaaca, dhaqaalaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

    Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay ballaariyeen iskaashigooda dhinacyada milatariga, amniga iyo dhaqaalaha.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleRag hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay Buulo Mareer, faahfaahin cusub oo soo baxaysa
    Next Article Baarlamaanka oo cadaadis saaray Wasiirka Maaliyadda, su’aalo laga weydiiyay malaayiinta Miisaaniyadda 2027
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    25 November 2026

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026

    Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco

    24 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    By Banaadir2425 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo khilaafaadka dastuurka, muranka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026

    Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco

    24 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed
    • Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose
    • Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda
    • Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco
    • Ciidamada Uganda oo Soomaaliya ka baxaya, xog cusub oo laga shaaciyay qorshaha bixitaanka

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d