Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan kula yeeshay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray doorka bulshada ee dhismaha Galmudug, xoojinta nabadda iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta, iyadoo muhiimadda la siiyay ka qaybgalka bulshada ee xasilloonida iyo wada noolaanshaha.

Qaybo ka mid ah bulshada Dhuusamareeb ayaa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee Mahad Salaad, gaar ahaan doorkii loo nisbeeyay ee ku aaddanaa soo afjaridda colaaddii ka jirtay deegaanka Balanballe, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan dadaallada dib-u-heshiisiinta.

Warar hore ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mahad Salaad intii uu Galmudug ku sugnaa uu kulamo wadatashi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ammaanka, iyadoo diiradda la saaray nabadda iyo amniga deegaanka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version