Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab uu sii socon karo muddo, balse uu meesha ka saaray suurtagalnimada in kooxda ay mar kale awood u yeelato inay gacanta ku dhigto Soomaaliya oo dhan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera, isagoo sheegay in xaaladda amniga Soomaaliya ay si weyn isu beddeshay marka loo eego xilliyadii ay Al-Shabaab awood ballaaran ku lahayd dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu qaadan karo waqti dheeraad ah, balse uusan jirin suuragalnimo ay kooxda mar kale ku qabsan karto dalka oo dhan.
Madaxweynaha ayaa xusay in Al-Shabaab ay waqti hore si weyn u ballaarisay saameynteeda gudaha Soomaaliya, isla markaana ay awood u lahayd inay weerarro ka fuliso meelo ku dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in kooxda hadda boqolaal kiiloomitir dib looga riixay Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay natiijo ka dhalatay howlgallada ay ciidamada Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ka wadaan dalka.
Xasan Sheekh ma uusan sheegin deegaanada uu si gaar ah uga hadlayay ama waqtiga ay qaadan karto in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Al-Shabaab.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 15 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo weli awood u leh inay weerarro ka fuliso Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah, sidoo kalena ka howlgasha qaybo ka mid ah dhulka miyiga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan suuragal ahayn in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, colaado beeleed ama khilaaf siyaasadeed oo horseeda rabshado.
Hadallada Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah u aragta mudnaanta koowaad ee amniga dalka, iyadoo dadaal ugu jirta in ciidamada Soomaaliyeed ay si weyn ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, xilli taageerada ciidamada caalamiga ah ay isbeddelayso.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in inkastoo dagaalka Al-Shabaab uu sii socon karo muddo, haddana kooxda aysan awood u lahayn inay mar kale Soomaaliya oo dhan gacanta ku dhigto.

