Madaxtooyada maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo maanta oo taariikhdu tahay 09 Oktoobar 2026 ka soo baxay ku dhowaqday in si nabad ah lagu soo afjaray xiisaddii xoogganayd ee muddooyinkii u dambeeyay ka taagnayd Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.  

Sida ku xusan warka ka soo baxay Madaxtooyada, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xassilloonida deegaanka ayaa miro-dhalay, ka dib markii lagu guuleystay in wada-hadal iyo is-qancin lagu dhammeeyo khilaafkii taagnaa.  

Dowladda Jubaland waxay u mahadcelisay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin waxgaradka, haweenka, aqoonyahanka, dhallinyarada, iyo saraakiisha ciidamada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay baajinta dhiig dambe oo ku daata deegaanka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version