LATEST NEWSLOCAL NEWS

Jubbaland oo billaawday Maxkamadeynta Nin doonayay in uu qarax ku weeraro jaamacaddii uu wax ka bartay

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubaland ayaa maanta dhageysatay kiis ciqaab ah oo loo haysto Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf, kaas oo lagu eedeeyay xiriir uu la leeyahay kooxda Al-Shabaab, ka mid ahaanshahooda iyo falal amni darro.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2014, halka la qabtay sanadkii 2025, xilli lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ka dhan ah jaamacaddii uu wax ka baranayay. Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkaasi la doonayay inuu ka dhaco hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo, xilli ay ka socotay xaflad.

Fadhiga maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland, ku-xigeennadiisa, xeer-ilaaliyaha, qareenka difaaca eedeysanaha iyo sidoo kale ehellada eedeysanaha.

Xeer-ilaaliyaha ayaa maxkamadda ka hor akhriyay eedeymaha loo haysto Cabdirisaaq, halka qareenka difaacuna uu soo bandhigay dooddiisa sharciyeed ee ku aaddan difaaca macmiilkiisa.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa soo xirtay dhageysiga koowaad ee dacwadda, iyadoo la filayo in fadhiyada xiga lagu sii ambaqaado dhageysiga iyo go’aan ka gaarista kiiskan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *