Wararka ayaa tilmaamaya in magacaabista iyo taageerada la isku raacay ay muujinayso in Xuseen Sheekh Maxamuud uu noqday shaqsi aan laga maarmin marka ay timaado abaabulka iyo hagidda qorsheyaasha la xiriira doorashada Koonfur Galbeed.
Go’aamada ka soo baxay kulanka ayaa imanaya xilli ay si weyn u kululaanayaan loollanka siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka soo socda, taas oo sare u qaadaysa dhaq-dhaqaaqyada xisbiyada iyo madaxda dowladda.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlaya natiijada kulanka, hase yeeshee xogaha la helayo ayaa muujinaya is-afgarad ballaaran oo laga gaaray arrimahaasi.

