Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo saaka si rasmi ah looga dareeray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan labada dowlad-goboleed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada Galmudug, oo ah doorasho ku celis ah, ay ka socoto 11 degmo, halka HirShabeelle oo markii ugu horreysay doorasho noocan ah ka qabsoomay ay sanduuqyada codbixinta gaareen 10 degmo.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka labada maamul ee haysta kaararka codbixinta ugu baaqay inay si nabad ah oo habsami leh uga qaybqaataan doorashooyinka, ayna codkooda u isticmaalaan inay ku doortaan musharraxa ama cidda ay doonayaan.
Goobaha ay ka socoto codbixinta ayaa lagu soo rogay xayiraado la xiriira dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyadoo ciidamada ammaanka ay sare u qaadeen sugidda amniga goobaha doorashada.
Doorashooyinka ka socda Galmudug iyo HirShabeelle ayaa noqonaya tallaabo kale oo lagu ballaarinayo nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya.

