Dagaal culus ayaa maanta ka ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo ilo caafimaad iyo amni ay sheegeen in ugu yaraan 29 qof lagu dilay, 45 kalena lagu dhaawacay iska horimaadka.

Sida xog looga helay qeybta gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Baay iyo Isbitaalka Gobolka Baay, 12 qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen dagaalka, halka ilo dhinaca amniga ah ay sheegeen in 17 askari ay sidoo kale dhinteen.

Dagaalka ayaa billowday abaare 4:50 aroornimo, waxaana qaybo badan oo magaalada ah laga maqlay rasaas culus, madaafiic iyo qaraxyo. Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay gudaha magaalada ku galeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalku gaaray xaafado dhowr ah, halka madaafiic iyo hub culus ay waxyeello u geysteen qaar ka mid ah guryaha shacabka.

Waxaa kale oo la soo sheegay in drones loo adeegsaday dagaalka, iyadoo warar hordhac ah ay sheegayaan in weerar drone ah lagu bartilmaameedsaday bakhaar ciidan oo ku yaalla deegaanka Cali Salaamey. Xogtan si madax-bannaan weli looma xaqiijin.

Dhinaca ciidamada taageersan Laftagareen ayaa sheegay inay gudaha magaalada ka qabsadeen goobo dhowr ah, oo ay ku jiraan agagaarka Afar-Irdoodka iyo buundooyin, isla markaana ay gaareen meel u dhow xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed. Wararka dhinaca kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay markii dambe dib u riixeen xoogaggii gudaha u soo galay magaalada. Labada dhinacba waxay soo saareen sheegashooyin kala duwan oo ku saabsan cidda gacanta sare ku leh dagaalka.

Xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ilo maxalli ah ay sheegayaan in ciidamo iyo gaadiid militari lagu arkayo qaybo ka mid ah magaalada. Khasaaraha rasmiga ah iyo cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobaha lagu dagaallamay weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version