Dagaal culus ayaa saaka ka socda magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Cunaay, iyadoo la soo sheegayo iska horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo ah mas’uul dhinaca Laftagareen ah, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay aroornimadii hore weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha Baydhabo.
Sida uu sheegay Ugaas Xasan, weerarka ayaa lagu qaaday fariisimada waxa uu ugu yeeray Afbaalaar iyo Salbaalaar, wuxuuna shacabka magaalada ugu baaqay inay guryahooda ku sugnaadaan inta ay xaaladdu kacsan tahay.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo taageerayaasha Laftagareen, kuwaas oo isku haya maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa bishii Maarso la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo, waxaana tan iyo xilligaas magaalada iyo nawaaxigeeda ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyada.
Ilaa hadda lama xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta, waxaana sidoo kale jira xog is khilaafsan oo ku saabsan xaaladda goobaha lagu dagaallamayo.
Banaadir24 Online ayaa la socota xaaladda Baydhabo iyo wararka cusub ee kasoo kordhaya dagaalka.

