Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay si adag uga hortageen weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda, weerarka waxaa soo qaaday maleeshiyaad ay dowladdu ku tilmaantay kooxo is-huwanaa, waxaana weerarka bilowgiisa magaalada laga maqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay si buuxda uga hortageen weerarka, isla markaana ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan goobihii ay difaacayeen, halka dagaalyahanno ka tirsan dhinicii weerarka soo qaaday lagu soo warramay inay dib uga gurteen goobihii ay ku dagaallamayeen.
Dowladdu weli si rasmi ah uma shaacin tirada dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaalka, iyadoo sheegtay in qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo xoogagga taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay horey u dhalisay dagaallo ka dhacay magaalada iyo duleedkeeda.
