Dagaal culus ayaa maanta ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo xaaladda magaalada ay kasii dareyso, waxaana la soo sheegay qaraxyo waaweyn, rasaas culus iyo qiiq laga arkayo goobo kala duwan.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada weerarka ku qaaday Baydhabo ay magaalada soo galeen iyagoo wata gaadiid lagu rakibay walxaha qarxa, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo dagaalka ka socda gudaha magaalada.

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in la arkay drone la sheegay inay waday walxaha qarxa, inkastoo xogtan iyo cidda adeegsanaysay drone-ka aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay agagaarka fariisimo ciidan, oo ay ku jirto xerada Qeybta 60-aad, iyadoo qiiq laga arkay qeybo ka mid ah magaalada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu saameeyay Cunaay, Isgoyska Cunaay, Model School, Suuqa Xoolaha iyo Afar Irdoodka, iyadoo dadka deegaanka lagu soo warramay inay guryahooda ku jiraan sababo la xiriira rasaasta iyo qaraxyada.

Dhinacyada isku haya dagaalka ayaa warar kala duwan ka bixiyay xaaladda Baydhabo, iyadoo dhinaca maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe uu eedeyn u jeediyay xoogagga taageersan Laftagareen, halka dhinaca kale uu beeniyay eedeymahaasi.

Ilaa hadda lama xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana Banaadir24 Online ay la socotaa wararka cusub ee kasoo baxaya Baydhabo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version