Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Farsoleey, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale lagu dhaawacay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen xarumo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan, islamarkaana la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ciribtirka kooxda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version