Ciidamada Daraawiishta ee taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dib ula wareegay gacan-ku-heynta degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, kaddib howlgallo ciidan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka degmada.
Ciidamada Daraawiishta ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimihii ay degmada ku lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Wararka laga helayo Qansax Dheere ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta ay gudaha u galeen degmada, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe ay isaga baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen halkaasi.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliye Cabdullaahi Xasan Liibaan, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii iyo maleeshiyaadkii ku sugnaa degmada ay isu dhiibeen Daraawiishta, halka kuwo kale lagu raad-joogo.
Xaaladda Qansax Dheere ayaa hadda ah mid si dhow loola socdo, iyadoo ciidamada Daraawiishta ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xoojinayo gacan-ku-heyntooda degmada.
Qabsashada Qansax Dheere ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka dhex jirta dhinacyada ku loollamaya hoggaanka Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanayso, iyadoo gobolka Baay uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay isku hayaan dhinacyadaasi.

