Dad badan oo rayid ah ayaa maanta ka qaxaya magaalada Baydhabo, xilli cabsi xooggan laga qabo in magaalada uu mar kale ka qarxo dagaal u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka Koonfur Galbeed.
Dhaqdhaqaaqa dadka ka baxaya magaalada ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib dagaalkii 28-kii September ka dhacay Baydhabo, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo la safan hoggaanka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo xoogag daacad u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee u dhexeysa labada dhinac ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga taagnayd Baydhabo, iyadoo dagaallo kale ay magaalada ka dhaceen 17-kii August iyo 3-dii September. Hay’adda MSF ayaa sheegtay in dagaalladaasi ay saameyn weyn ku yeesheen dadka rayidka ah iyo adeegyada caafimaadka.
Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada iska soo horjeeda ay weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, taas oo sii kordhisay cabsi laga qabo in dagaal kale uu ka qarxo gudaha magaalada.
Qoysas badan ayaa sida la sheegay la baxaya carruurtooda iyo alaabaha ay awoodaan, iyagoo raadinaya goobo ay u arkaan inay ka ammaan badan yihiin Baydhabo.
Baydhabo ayaa hadda wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in dagaal kale uu magaalada kusoo laabto.

