Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab waaberigii saaka ku qaadeen deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan, kaas oo la sheegay inuu ku billowday qaraxyo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal culus uu deegaanka ka socdo, iyadoo labada dhinac ay adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay dib uga gurteen deegaanka, hase yeeshee xogta ku saabsan xaaladda dhabta ah ee goobta dagaalka weli waxay u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa, balse illaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo si madax-bannaan loo xaqiijiyey.
Xaaladda deegaanka Hees ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu marayo dagaalka iyo xaaladda ciidamada ku sugan aagga.

