Beledweyne (Banaadir24) — Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerar culus ku qaadday xero ciidan oo ku taalla afaafka hore ee deegaanka Hees, duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay la wareegtay gacan-ku-haynta deegaankaasi.
War ay baahisay kooxda ayaa lagu sheegay in weerarku dhacay waaberigii saaka, kaddib markii dagaalyahannadeedu ay weerareen xero ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarka ku dishay ugu yaraan laba askari, ayna la wareegtay agab ciidan oo kala duwan, oo uu ku jiro qori nooca RPG-ga ah. Hase yeeshee, sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha iyo la wareegidda deegaanka ayaan weli helin xaqiijin madax-bannaan.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Hees iyo sheegashooyinka ay Al-Shabaab ka baahisay dhacdadaasi.
Xaaladda dhabta ah ee deegaanka, cidda gacanta ku haysa iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Banaadir24 ayaa la soconaysa xogaha dheeraadka ah ee ku saabsan dagaalka iyo wararka rasmiga ah ee laga filayo dhinacyada ay khusayso.
