Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay sameynayaan dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay deegaanno ka baxsan Muqdisho, gaar ahaan agagaarka webiga Shabeelle iyo deegaanka Beerta Cali Mahdi.
Wararka ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyadaasi ay ku soo beegmeen kadib markii la soo sheegay in saddex diyaaradood oo nooca F-16 ah ay ka duuleen Muqdisho, iyagoo ku wajahan deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha ay duqeymo xooggan ka fuliyeen goobaha lagu soo warramay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in qaraxyo iyo duqeymo culus laga maqlay aaggaasi.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeymaha, sidoo kalena ma cadda tirada dagaalyahannada Al-Shabaab ee goobahaasi ku sugnaa ama in duqeymuhu si toos ah u haleeleen bartilmaameedyadii la sheegay.
Dhaq-dhaqaaqyada cusub ayaa kusoo beegmaya toddobaadyo kadib dagaallo ka dhacay Beerta Cali Mahdi iyo deegaanno ku dhow Basra, halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay markii dambe ka baxeen sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Waxaa weli la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedyada la duqeeyay, khasaaraha ka dhashay iyo xaaladda ciidamada iyo Al-Shabaab ee deegaannadaasi.
Banaadir24 Online ayaa la socota wararkan, wixii xaqiiqo ah ee soo kordhana waan idiin soo gudbin doonnaa.
